Taliska Ciidamada Booliiska degmada dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa xalay howlgallo ka dhan ahaa Ciyaal weerada oo dhibaato ku haaya Shacabka ka sameeyay Xaafado katirsan degmadaasi Dharkeenleey.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Booliska Dharkeenleey Gaashaanle Jimcaale Cadow Maxamed & kuxigeenkiisa Cabdifitaax Malaaq Bishaar, waxana ciidamada ay ku baarayeen Guryaha qaar, iyada oo lagu qabqabtay dhalinyaro looga shakisan yahay inay kamid yihiin Ciyaal weerada.
Taliyaha Booliska Dharkeenleey Gaashaanle Jimcaale Cadow Maxamed ayaa sheegay in Ciidamadu ay diyaar u yihiin had iyo jeer sugida Amniga, isla markaana ay ka hortagayaan waxkasta oo liddi ku ah amniga.
Waxaa uu ugu baaqay Ganacsatada kunool degmada Dharkeenleey aina sayn iibin Baaruuda oo inta badan ay carruurta isticmaalaan xilliyada Ciidaha, sidoo kalena aalidiinta ay ka adkaadaan Carruurtooda oo kamid ah ciyaal weerada.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa Shacabka kunool xaafadaha degmada Dharkeenleey waxaa ay ka cabanayeen Ciyaal weerada iyo Kooxo Burcad ah oo mararka qaar dhac u geeysanaya.



