Saacadaha soo socda ee Maanta ah ayaa waxaa lagu wadaa in teendhada Afisiyooni ee Magaalada muqdisho lagu qabto doorashada Guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo labaad ee Golaha Shacabka.
Waxaa lagu wadaa in kal-fadhiga doorashada uu shir guddoomiyo Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo xalay loo doortay guddoomiyaha golaha Shacabka. “Ku-meel-gaarnimo dambe waa laga baxay” ayuu yiri Gudoomiyihii Ku meel-gaarka ah ee golaha shacabka Ambasador Cabdisalaan Liibaan Dhabancad markii ay dhammaantay codbixintu.
Xalay ayaa Teendhada Afisiyooni waxaa lagu qabtay doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana doorashada Maanta ee Guddoomiye kuxigeennada Golaha Shacabka ku tartami doona Musharrixiinta kala ah.



