Howlgal ka dhacay Beledweyne

Beledweyne-RisaalaFM- Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay Howlgal dad lagu soo qab qabtay.

Howlgalkaasi ayaa waxaa lagu soo qab qabtay 20 Qof oo u badan Dhallinyaro, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaanno, sida ay sheegeen Saraakiisha ammaanka Gobolka Hiiraan.

Howlgalkan oo uu ujeedkiisu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka guud ee Gobolka, ayaa sidoo kale waxaa lagu bartilmaameedsanayay Rag loo0ga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin Shabaab.

Xaalada Magaalada Beledweyne ayaa degan, inkastoo Ciidanka Dowladda weli ay ku sugan yihiin wadooyinka waa weyn ee Magaalada.