Baydhab-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed maanta waxaa laga sameeyay Howlgal gaar ah, kadib markii xalay 2 Bambo gacmeed lagu weeraray Guriga Taliyaha Nabad sugidda Degmada Baydhabo, balse Bambooyinkaas cidna waxba kuma noqon.
Howlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa ammaanka, waxaana laga sameeyay xaafadaha ay kooban tahay Degmadaasi.
Ciidanka ammaanka ayaa Howlgalkan waxa ay ku soo qabteen tiro Dhalinyaro ah oo aan la shaacin inta ay la egyihiin, waxaana loo kaxeeyay xarumaha baarista ee Talisyada.
Ciidanka ayaa Dhalinayarada ay soo qabteen waxa ay weydiinayeen su’aalo ay ka mid yihiin halka ay degan yihiin iyo cida ay yaqaaniin, waxaana su’aalo kale lagu weydiin doonaa xarumaha dambi baarista, si loo kala saaro.


