Howlgal dad lagu qab qabtay oo laga sameeyey Kismaayo

Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbalanad ayaa waxaa howlgallo kala duwan ay ka sameeyeen Xaafado katirsan Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Howlgalkaas ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey,waxaana si gaar ah looga sameeyay howlgaladaan Xaafadda Calanley.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xusseen ayaa sheegay in howlgalladaas dad badan lagu qabqabtay qaarkoodna baaritaano lagu haayo.

“Ciidamada Ammaanka Jubbaland waxay sameeyeen howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada , waxaana lagu soo qabqabtay dad badan,baaritaan ayaana ku heynaa dadka qaarkood oo laga shakisan yahay ayuu yiri” Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada Jubbaland ay siiwadi doonaan howlgallada lagu sugayo Amniga oo ay ka fulinayaan Xaafadaha Magaalada Kismaayo.

Howlgalkaan Maanta ay Ciidamada Jubbaland ka sameeyeen Xaafada Calanley ee Magaalada Kismaayo ayaa kusoo aadaya xilli habeen ka hor xaafadaas lagu dilay Nabadoon Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada Jubbaland.