Hordhaca kullanka Arsenal vs Huddersfield Town

Weli waxaa dhinacooda dhulka la dhigi la’yahay kooxda Arsenal oo tan iyo labadii kullan ee ugu horreysay la lagdi la’yahay.

Gunners waxa ay maanta soo dhoweyn doonaan kooxda Huddersfield Town, ciyaar ka dhici doonta garoonka Emirates Stadium.

Kooxda Macallin Unai Emery waxa ay ku dagaallameysaa sidii ay booskooda afraad u dhacsan lahaayeen, iyagoo maanka ku haya in Chelsea oo ay isku dhibco yihiin ay la ciyaareyso kooxda Manchester City oo horyaalka hooggaamineysa.

Xiddigaha ka maqnaan kara kullanka iyo kuwa la filayo inay soo laabanayaan

Rob Holding ayaa ka maqnaanaya dhanka kooxda Arsenal kaasoo dhaawac uu kasoo gaarray kullankii Manchester United ay bareejada 2-2 lasoo galeen.

Aaron Ramse iyo Mesut Ozil ayaa labaduba shaki laga gelinayaa ciyaartan inay safan karaan, iyagoo dhaawacyo yaryar qaba.

Granit Xhaka oo kullankii United ganaax ku seegay ayaa diyaar u ah inuu caawa kusoo billawdo, halka Nacho Monreal, Konstantinos Mavropanos iyo Danny Welbeck ay weli dhaawacyo daran la tacaalayaan.

Philip Billing iyo Steve Mounie ayaa labaduba ganaax ku seegaya kullankan, halka Abdelhamid Sabiri uu dhaawac ku seegayo, balse waxaa safka kooxda kusoo laabanaya Chris Lowe.

Safafka macquulka ah ee ay labada koox kusoo billaabi karaan

Arsenal: Leno; Bellerin, Mustafi, Sokratis, Kolasinac; Xhaka, Torreira; Iwobi, Ozil, Aubameyang; Lacazette

Huddersfield: Lossl; Zanka, Schindler, Kongolo; Hadergjonaj, Williams, Hogg, Mooy, Durm; Pritchard, Depoitre