EPL: hor dhaca kullanka Man Utd vs Fulham

Manchester United ayaa raadineysa guusheedii ugu horreysay Premier League-ga afartii kullan ee ugu dambeysay, iyadoo wax guul ah aanan gaarin afartii ciyaarood ee ugu dambeysay ciyaaraha horyaalka Ingiriiska.

Waxa ay maanta soo dhoweynayaan kooxda Fulham oo ah naadiga ugu hooseysa Premier League-ga xilli ciyaareedkan, waxaase xusid mudan in hooggaanka kooxdan uu la wareegay Macallin Claudio Ranieri kaasoo saddexdiisa kullan ee ugu horreysay afar dhibcood keenna.

Xiddigaha seegi kara kullankan

Anthony Martial, Chris Smalling iyo Phil Jones ayaa dhammaantood shaki laga gelinayaa ciyaartan oo ay macquul tahay inay seegaan, halka Ashley Young uu kasoo laabanayo ganaax.

Balse waxaa la xaqiijiyay oo ciyaartan aanan qayb ka ahayn Alex Sanchez iyo Victor Lindelof oo dhaawacyo qaba.

Safafka macquulka ah ee kullankan labada koox kusoo billaabi karaan

Manchester United: De Gea; Valencia, Smalling, Rojo, Young; Matic, Herrera; Mata, Pogba, Rashford; Lukaku

Fulham: Rico; Christie, Odoi, Mawson, Le Marchand; Chambers, Seri; Schurrle, Cairney, Sessegnon; Mitrovic