Nou Camp waxa uu martigelin doonaa mid ka mid ah kulamada dunida ugu daawadashada badan kasoo ah kan ugu weyn oo ay ciyaaran kooxaha ugu xafiiltanka badan isboortiga – El Classico ayaana uu can ku yahay kulankaan.
Barcelona iyo Real Madrid ayaa isku arki doona kulanka 31 ee xilli ciyaaredkan Spanish Primera Division, iyadoo labo kooxood ay hogaaminayaan halyeeyadoodii hore ugu soo ciyaaray.
Barcelona ayaa haatan 39 kulan oo aan laga badinin tartamada oo dhan heysata, kooxda difaacaneysa horyaalka Spanish -ka ayaa guuldarro 2-1 oo kasoo gaartay Sevilla sannadkii hore October, kadin aan laga badin 39 kulan oo ay ciyaartay tan iyo markaas waxayna badiyeen 30 kulan halka 9 kale ay barbar dhac noqdeen.
Real Madrid ayaa dhanka kale isku dayi doonta in ay soo afjarto orodka guulaha kooxda Barcelona, iyadoo guul darradii ugu horeysay xilli ciyaareedkan gurigooda la radinaysa, Zidane ayaana wajihi doona kulankiisii ugu horeeyay El-Classico isagoo tababare ah.
Kulanka: Barcelona vs Real Madrid
Garoonka:Camp Nou
Saacada: 09 : 30 PM
Elclassico
Xaqiiqada Ciyaarta
Barcelona ayaa haatan 39 kulan laga badinin, waxaana ay badiyeen 30 ka mid ah 39 kulan ee ugu danbeyay, iyadoo 2 kamid ah ay ku dhameysatay barbaro.
Tababare Barcelona ayaa ciyaaari doonaa kulankii 4-aad ee El-Classico isagoo tababare ah, mid kamid ah ayuu ku qasaaray kasoo ahaa kiisii ugu horeeyay oo 3-1 qasaaro ah kula kulmay Santiago Bernabeu.
Barcelona ayaa barbaro gashay mid ka mid ah 15 kulan ee horyaalka ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay garoonkeeda,
Barcelona ayaa 54 ka mid ah 86 gool oo horyaalka ay ka dhalisay ku heshay garoonkeeda Camp Nou, iyadoo 23 ka mid ah 54 ay dhalisay 5 kulan ee ugu danbeysay guriga.Shabakadda cayaaraha ee Laacibiin.com,gaar ahaan wariyaheeda Xasan Iniesta ayaa soo u ruuriyay xogtan.
Real Madrid ayaa 5 kulan oo isku xigta ku guuleystay, Zidane ayaana kulankiisii ugu horeyay ee El Classico wajihi doona-
Real ayaa dhalisay goolal ka badan kooxaha ee horyaalka xilli ciyaareedkan. Iyagoo dhaliyay 87 gool 30 kulan oo ay Horyaalka ka ciyaartay.
Guushii ugu danbeysay ee Real Madrid ku gaarto Camp Nou waxay timid 2012, ciyaar ku dhamaatay 2-1.
Maxaa ka cusub Barcelona
Jeremy Mathieu ayaa waxa uu ka maqan yahay kulanka, ka dib markii uu soo gaaray dhaawac muruqa ah.
Andre Iniesta ayaa ku soo bilaaban doona,iyadoo Arda Turan kursiga keydka uu yahay, halka Sergio Busquet uu bedeli doono Sergi Roberto.
Jordi Alba ayaa shaki qaba ciyaartan ,iyadoo Aleix Vidal laga yaabo inuu kusoo bilowdo.
Barcelona line-up (4-3-3)
Ter Stegen – Alves, Alba, Mascherano, Pique – Rakitic, Busquets, Iniesta – Messi, Suarez, Neymar.
Maxaa ka Cusub Real Madrid
Sergio Ramos & Bale ayaa kasoo laabtay dhaawac fudud, iyadoo Benzema uu weerarka kula soo bilaaban doono Bale iyo Ronaldo.
Real Madrid line-up (4-3-3)
Navas – Marcelo, Varane, Ramos, Carvajal – Kroos, Casemiro, Modric – Bale, Benzema, Ronaldo.
Ma Ogtahay
qarnigaan 21aad waa El-Classico-dii 35 –aad, waxaana 10 kulan ee la soo dhaafay ee u dhexeeyay labada dhinac ay imaanayeen iyadoo labada koox ay yihiin kuwa ugu sareeya Horyaalka.
labada dhinac ayaa 10 kulan ee ugu dambeeyay, guul gaartay koox kastaa 4 kulan,iyadoo 2 kale ay noqdeen barbaro goolal la,aan ah.


