Hoobiyeyaal lagu garaacay degmooyinka G/Banaadir.

Tiro hoobiyeyaal ayaa maanta lagu garaacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Hoobiyeyaasha ayaa waxaa ay ku dhaceen degmooyinka Waabari iyo Xamar Jab jab iyo Xamarweyne.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in madaafiicda qaar ay ku dhaceen guryo ay degan yihiin dad shacab ah.

Waxaa jiro khasaare ka dhashay hoobiyeyaasha ku dhacay degmooyinka gobolka Banaadir.

Booliska Soomaaliya ayaan weli ka hadlin tirada hoobiyeyaasha ee ku dhacay Muqdisho iyo khasaaraha geystay