Holwgal ka socda duleedka Magaalada Jowhar

Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo kuwa xoogga dalka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada duleedka magaalada Jowhar,kadib markii xalay weerar lagu soo qaadey Saldhiga Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in weerarkaas ay ka hortageen,isla markaan aay ka warqabeen,hayeeshee iska hor imaad kooban uu ka dhacay duleedka buundada xaafadda Buulo-sheekh ee barigga magaalada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa xaqiijiyay in dadka shacabka ah aysan soo gaarin wax khasaare ah, waxaana ciidamadu ay saaka u ruuqaansadeen deegaanno dhaca duleedka bari ee magaalada Jowhar, iyagoo tuulooyinka hoostaga ka wado howlgallo lagu xaqiijinayo amniga laguna baadigoobayo Xubnihii weerarka soo qaadey.