Duqeyn Cusub oo ka dhacday Gobolka Jubbada Dhexe

Mareykanka ayaa faah faahin waxaa uu ka bixiyey duqeyn dhinaca Cirka ah oo uu la beegsadey Saldhigyo Xubno ka tirsan Ururka dagaalamayaasha Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntaas laga fuliyey agagaarka degmada Jilib,isla markaana lala beegsaday Saldhigyo ay leeyihiin Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab,sida uu sheegay kuxigeenka Agaasimaha howlgalada, Taliska Mareykanka ee Afrika Gen. Miguel Castellanos.

Sidoo kale waxaa Qoraalka Africom lagu sheegay in duqeyntaas qiimeyn ay sameeyeen aan wax khasaaro ah lagu gaarsiin dad Shacab ah balse lagu bur buriyey Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2020 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya ee ka howlgasha deegaannada Puntland.