Hogaanka SSC khaatuma oo ka hadlay Xiisada ka taagan gobolka Sanaag

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Abdiqadir  Fardhiye ayaa furay Kulanka Wadatashiga Golaha Fulinta Maamulka iyo Isimada Dhaqanka SSC kaatumo kaas oo looha hadlayay Xiisada gobolka Sanaag  .

Kulanka ayaa ugu horreyn  looga dooday sugida , Amniga iyo Difaaca deganada SSC-Khaatumowaxaana Hogaamiyaha SSC Kahtima uu  warbixin guud ka siiyay xubnaha Golaha Fulinta  hawlihii qabsoomay sanadkii 2023-2024, hawlaha mudnaanta leh sanadkan iyo sidoo kale muhiimadda doorka weyn ee Isimadu ku leeyihiin dowlad-dhiska.

Shirka Gokaga  Fulinta SSC Khaatuma ayaa laga soo saaray Qodobadan::

  1. Difaaca iyo Sugidda Amniga Gudaha
  2. ⁠Kobcinta Dakhliga Gudaha iyo gaarista iskufilnaansho miisaaniyadeed
  3. ⁠Qorshaha siyaasadda ee hannaanka dhamaystirka Maamul-dhiska iyo ka bixista Kumeel-gaarnimada
  4. ⁠Xidhiidhka Caalamiga ah, diblomaasiyadda iyo hawlaha mudnaanta leh.

Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa dhankooda bogaadiyay hawlaha muddada sanadka ah u qabsoomay Maamulka, iyo hawlaha qorshaysan sanadkan ee ay soo bandhigeen Golaha Fulinta.

Sidoo kale, Isimada Dhaqanka ayaa dhiirigaliyay muhiimadda ay leedahay adkaynta midnimada iyo wadajirka bulshada, hawlaha mudnaanta leh iyo hirgalinta hiigsiyada Shacabka SSC-Khaatumo.

Ugu dambeeynyii Shirka ayaa socon doona maalmaha soo socda iyada oo laga baaraandegayo arrimaha u baahan wadatashi iyo qorsheyaal muddaysan ayaa lagu yiri  warkan ka soo baxay Maamulka SSC Khaatima .