Heshiis :Mahatma Gandhi University iyo JOBKEY University+Sawiro

Gudoomiyaha Jaamacadda Jobkey Cabdicaziiz Caagane ayaa qoraal dheer ka qoray heshiis dhex maray Jobkey iyo Mahatma wuxuuna ku bilaabay: “Magandhi Waxaa ay aheyd shaqa aad u culus lakin laga gaadhay maridhal aad u wangsan, heshiiska Mahatma Gandhi University iyo JOBKEY University waa astaan muujineysa in uu jiro isbadal ama hormar dhanka waxbarashada iyo hormarka dalka ka jira guud ahaan. waa inoo farxad aniga iyo inta igu fikirka ah in gabdhaha Soomalliyeed lagu dhiira galiya waxbarashada Sare Master Degree si lacag la’aan ah.fursadaaan waxan la wadaagi doonaa dhamaan jaamacadaha aan saxiibka nahay iyo hey’adaha wada shaqeynta naga dhaxeyso. Ma sahlana in kumanaan Gabdha ah la siiyo minxo hadana waxbarasha sare ah laakin jaamacada MGU India ayaa fursadas macalimminta iyo kharashkaba dhabarka u ridatay JOBKEY waxa ay noqondoontaa in ay sidii loogu talagay ay ku fuliso qorshaha.

Waxaan jaamacada Mahatma Gandhi uga mahad celineynaa in ay naga aqbasho soo jeedintaanii aheyd in garab iyo gacan la siiyo gabdhaha Soomaaliyeed waxaana qeyb ka ah qorshaha Jaamacadada MGU in ay bilaawdo Bachelor degree lagu siinayo gabdhaha dugsiyada sare dhameystay waxbarasho minxa ah ayagoo isticmaali doona Online Library ay ku jiraan laba malyan oo isugu jiro books iyo articles.

Dhanka bachelor degree waxaa jiro fursado ay heli doonaan wiilasha dhankooda laakin waxan heli doonaa jawaab marka wafdi ka socoda JOBKEY ay boqdaan dhamaadka bishaan dalka India iyo Dalka Rwanda oo ah 19ka wadan ee Afrikaanka ah xaruurnta laga xukomo ama ay hoostagaan.

Waxaana aan aad ugu dadaali doonaa in ay jaamacaddaan fursad uwada noqoto dhamaan umada Soomaaliyeed waxaana shaki kujirin in ay jiridoonanaan dad badan oo ka faaideysan doono fursadaan ugu timid guriyahooda ayagoo joga in ay wax labartaan ardayda joogta dhamaan dalal ay jaamacaddaan xaruumaha ku leedahay oo ku dhaw 63 xaruumood aydoo xaruunta Soomalia ay noqondoonta xaruunta 64 raad.

Qoraalkaan oo ah qoraalkii igu badnaa ee aan qoro inta aan isticmalayay FB ma ahan mid aan u firkiray ama aan wakhti badan galiyay hasa ahaatee waxaa suura gal ah in ay jiridoonaan khaladaad lkn muhiimada in la fahmo ayay tahay.

Ugu dambeyn waxaan kalkaan ugu mahad celinayaa dhamaan dadkii wakhtiga inasiiyay in ay ka sooqeyb galaan makhraatina ka ahaadaan sida ay u dhacday heshiisani, waxaan si gaar ah ugu mahadacelinayaa, wazaarada haweenka mama waziir Zahra Ali Samater, waziir ku xigeena wazaarada Waxbarashada Xaamuud, waziir ku xigeenka wazaarada howlaha guud, Eng. Geedi, Xildhibaan Mustaf Sh. ali Dhuxulow, ENG. Abdirhaman Yariisow,agaasimayasha wazaaradaha sida wazaarada Dasduurka Prof, Zubeyr, qaar ka mid ah jaamacadihii nagala soo qeyb galay heshiiskaan sida Jaamacadda Jamuriya,Jaamacadda SIU, Jaamacadda Jaziira, Jaamacadda Daarul xikma, Jaamacadda Green Hope, Maamulayasha iskuulada, Daladaha waxbarashada, iyo guud ahaan ardayda jaamacada”.

FB_IMG_1462398637418 FB_IMG_1462398633309 FB_IMG_1462398629217 FB_IMG_1462398624300