Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo Weli ka socda gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Jubbaland ayaa howlgallo xiriir oo  amni xaqiijin ah ka wada deegaanada Tuulooyin ku yaala galbeedka deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose .

Hawlgalka oo shalay soo bilowday ataa ilaa saakay socda waxaana lagu dilay  xubno ka tirsan Alshabaab  oo ay ku jiraan horjoogayaal sarsare oo qeyb ka ahaa shabaabkii ka dagaalmayay  degaanada Hawlgalada ay ka socdeen  ee gobolka ubada Hoose.

Ciidamada howlgalka ku jira waxa ay gaareen dhul howd ah oo ay Alshabaab  ka  qodnaayeen godod dhufeysyo dhaadheer oo ay gabaad ka dhiganayeen Alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Jubland .

Hase ‘ahaatee’ guud ahaan gobolka Jubada hoose waxaa kasocda howlgal lagu xoreenayo degmooyinka iyo deegaanada aysan maamulin Jubland .