Hawlgallo ka socda degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Xaalada Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa degan maanta ka dib weerar ku bilowday Qaraxyo Alshabaab ay ku qaadeen Xarunta ADC oo  laguTababaro  Ciidamadda dawlada federaalka Soomaaliya .

Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa bilaabay Hawlgallo Amniga lagu caqiijinayo iyadoo Hawlgalka uu ka socdo duleedka Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Hase ‘ahaatee ‘ Weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac .

Sidoo kalena, Isbitaalka guud ee Baardheere oo shalay la geeyay dhaawacyada qaraxyadii shalaay ka dhacay Halkaas ayaanan dabooli Karin baahiyaha Caafimaad ee ka jira degmadaas.