Haweeneey lagu dilay degmada Cabudwaaq & faah faahino laga helayo

Wararka naga soo gaaraya degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay gudaha degmadaas ku dileen Haweeneey caanka aheyd degmadaas.

Alle ha u naxariistee Haweeneyda la dilay oo lagu Magacaabi jiray Foos Aadan Nuure Xuubeey ayaa xilliga la dilayay waxaa ay ku wajahneyd Hooygeeda oo kuyaalla Xaafada Ubax ee degmda Cabduwaaq.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka Haweeneyda, waxaana wararka qaar ee la helayo ay sheegayaan in dilka ay ka dambeeyeen Kooxo hubeysnaa oo burcad ahaa, kuwaas oo ka dhacay Mobile ay wadatay.

Ciidamo katirsan kuwa laamaha amniga degmada Cabudwaaq ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo la sheegay in howlgal ay sameeyeen ay ku qabteen dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyaan dilkaas.