Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah ay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in uu Maanta jiro kulanka Golaha ayna kasoo qeyb galaan, isla markaana loo baahan yahay inay Xildhibaannada waqtiga ilaaliyaan.

Ajandaha Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay 1. Dhameystirka Ka doodista arimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee Dalka..

Isniintii todobaadkaan ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ay siweyn uga doodeen arimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee Dalka, iyaga oo siweyn u soo hadal qaaday arrimaha dhameystirka iyo waxka bedelka Dastuurka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaallo Hindise sharciyeedyo dhowr ah, iyada oo la filayo inay ansixiyaan Xildhibaannada labada Aqal waxka bedelka Dastuurka.