Harry Kane oo soo bar bareeyay Rikoor uu Henry horey ugu sameeyay Arsenal

Harry Kane ayaa dhaliyay goolkiisii 58-aad iyo 59-aad ee horyaalka Ingiriiska kadib 100 kulan oo uu saftay horyaalka Ingiriiska waxaana uu soo bar bareeyay rikoor uu horey udhigay Thierry Henry.

Xidigii hore ee Arsenal ayaa 59 gool ka dhaliyay horyaalka Ingiriiska kadib 100 kulan Harry Kane ayaana sidaas sameeyay kadib labo gool oo uu 45 daqiiqo gudahood uga dhaliyay kulanka Watford.

Kane ayaa sidoo kale ku biiray ciyaaryahanada 100-ka kulan usaftay kooxaha horyaalka Ingiriiska.