Halyeey Alan Shearer Oo Soo Xulay Shaxda Xiddigihii Ugu Fiicnaa Horyaalka Premier League

Horyaalka Premier League ayaa ku dhawaa in gabagabo markii xilli ciyaareedka hakad la geliyay sababo la xiriira caabuqa saf mareenka ah ee coronavirus.

Koox walba waxaa u hartay 10 kulan ama ka yar taasoo la micno ah in ciyaartoyda ay heysteen waqti ku filan oo ay wacdarro ku dhigi kareen xilli ciyaareedkan.

Kevin De Bruyne, Jordan Henderson iyo Sadio Mane ayaa ka mid ah seddexda nin ee wacdaraha dhigayay ka hor coronavirus.

Halyeeyga Premier League Alan Shearer oo ah xiddiga heysta rikoodhka gooldhalinta abid ee horyaalka ayaa soo xushay shaxdiisa xiddigihii ugu fiicnaa horyaalka Ingariiska xilli ciyaareedkan isagoo seddexda xiddig ee koreba ku soo darsaday shaxdiisa.

Goolhaye waxa uu ka dhigtay goolhayaha Sheffield United ee ay iska leedahay Man United Dean Henderson kaasoo wacdarro dhigay xilli ciyaareedkan.

Afarta daafac danbe seddex ka mid ah waa xiddigaha Liverpool ee kala ah: daafaca midig Trent Alexander-Arnold, daafaca bidix Andy Robertson iyo daafaca dhexe Virgil van Dijk. Waxaa ku wehliya kaliya daafaca dhexe ee Leicester City Jonny Evans.

Labada xiddig ee khadka dhexe waa kuwa u tartamaya xilli ciyaareedkan abaalmarinta xiddiga sannadka Ingariiska oo kala ah xiddiga Man City Kevin de Bruyne iyo xiddiga Liverpool Jordan Henderson.

Labada garbood ee weerarka waxa uu kala saaray xiddiga Liverpool Sadio Mane iyo weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang halka uu soo xushay labo gooldhaliye oo kala ah xiddiga Leicester City Jamie Vardy iyo xiddiga Man City Sergio Aguero.