“Arsenal Ma Ahan Koox Weyn, Waa Inuu Ku Biiro Koox Weyn Oo Hami Leh” – Xiriirka Kubada Cagta Gabon Oo Dhulka Ku Jiiday Kooxda Arsenal

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Gabon Pierre Alain Mounguengui ayaa ugu baaqay Pierre-Emerick Aubameyang inuu isaga tago Arsenal oo uu ku biiro koox ka hami badan.

Weeraryahanka Gunners ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Emirates Stadium iyadoo sannad ay uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan islamarkaana aysan jirin qandaraas kordhin la xaqiijiyay.

Barcelona ayaa mar sii horeysay soo bandhigtay xiisaheeda xiddiga ugu goolasha badan kooxda ka dhisan waqooyiga London laakiin waxay u arkeen inuu yahay qorshaha labaad ka dib Lautaro Martinez iyo Neymar.

Inkastoo uu dhaliyay 49 gool oo horyaalka ah tan iyo markii uu ka soo wareegay Borussia Dortmund bishii Janaayo 2018, Aubameyang ayaan weli gacanta ku dhigin wax koob ah.

Mounguengui ayaa aaminsan in weeraryahanka ay u fiicnaan laheyd inuu ku biiro koox weyn, isagoo u sheegay ESPN: “Ma doonayo inaan dhaho Arsenal ma ahan koox hami leh, laakiin Arsenal hamigeeda ma ahan mid u sareeysa sida kooxaha kale ee Yurub.

“Sidaasi darteed haddii Pierre uu qandaraas la geli karo koox ka hami badan Arsenal, waxa uu ka mid noqon lahaa xiddigaha ugu sareeya.