Koobka horyaalada yurub (UEFA Champions League) ayaa soo gaaray wareega 16-ka iyadoo xalay la ciyaaray dhawr kulan oo ahaa kuwii ugu dambeeyay wareega group-yada, waji cusub ayaana lagu arkay hogaanka tartanka marka laga hadlo sanadahii ugu dambeeyay.
Robert Lewandowski ayaa ku dhameystay meesha ugu sarreysa kadib markii uu xalay laba gool ka dhaliyay Ajax Amsterdam kulan 3-3 lagu kala baxay, sidaas darteed 8-gool ayuu ku hogaaminayaa tartanka isagoo ka talaabsaday Messi oo ay min 6-gool wadaageen.
Waana markii labaad oo xiddig aan Messi iyo Ronaldo aheyn ku dhameysto halkaan tan iyo 2010-2011 – xiddiga reer Poland ayaana haatan u muuqda mid tartanka dhinaciisa uga jira.
Lionel Messi ayaa labaad ku jira xiddigaan waa kan ugu daqiiqadaha yar liiska ugu sarreeya tartanka maadaama uu ciyaaray kaliya 297 daqiiqo maadaama uu dhaawac waqti ku maqnaa.
Paulo Dybala ayaa dhaliyay xalay goolkiisii 5-aad ee koobka Champions League, xiddigaan isna badal ayuu kusoo galay kulankii kooxdiisa 2-1 looga badiyay.
LIISKA CIYAARTOYDA:
Robert Lewandowski (Bayern München) 8-gool
Lionel Messi (Barcelona) 6-gool
Paulo Dybala (Juventus) 5-gool
Edin Džeko (Roma) 5-gool
Andrej Kramarić (Hoffenheim) 5-gool
Moussa Marega (Porto) 5-gool
Neymar (Paris Saint-Germain) 5-gool
Dušan Tadić (Ajax) 5-gool