Sida laga soo xigtay wargeyska ka soo baxa Spanish ee AS, tababaraha Real Madrid Santiago Solari ayaa xiriirka adag la leh Isco oo aan wax door ah haatan ku laheyn kooxda.
26 jirkaan reer Spain ayaa ku soo bilowday kaliya seddex jeer Los Blancos tan iyo markii Solari uu la wareegay shaqada.
Ka dib markii ay ku bilowdeen mid ka mid ah bilowgii ugu xumaa qarniga 21aad, Real Madrid waxa ay heshay soo kabasho tan iyo markii uu yimid Santiago Solari.
Waxay haatan kujiraan kalainta 3-aad ee LaLiga waxaana ay 9 dhibcood ka dambeeyaan kooxda ay xafiiltamaan ee FC Barcelona.
Isco ayaa keliya hal jeer 90 daqiiqo ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan. Inkastoo qeyb muhiim ah uu kaga jiray kooxdii Julen Lopetegui.
Waxay ay u muuqataa tababaraha cusub ee Real Madrd Santiago Solari inuu xaliyay dhibaatooyinka kooxda tan iyo markii uu yimid Santiago Bernabeu afar bilood ka hor.
Laakiin wuxuu weli xalin waayay xaalada adag ee kala dhaxeysa ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Isco.
Xiriirka ka dhaxeeya macalinka iyo ciyaaryahanka ayaa ahaa mid aad u kacsan tan iyo markii Isco diiday inuu gacan qaado tababarihiisa ka dib markii guuldarro 3-0 ah ka soo gaartay Eibar bishii November.



