Dhageyso:-Amar la dul-dhigay Shaqaalaha Caafimaadka gobolka Banaadir

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti  ayaa ku amartay Shaqaalaha Caafimaadka gobolka Banaadir inay ka qeyb qaatan daryeelkadhinaca Caafimaadka eeBarakacayaasha ku sugan Gobolka Banaadir.

Waxa ay sheegtay in Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay joogaan dad aad u farabadan oo barakacayaal ah oo u baahan waxyaabo ay ka mid yihiin quudinta iyo Caafimaadka kale,waxaana ay kula dardaarantay Shaqaalaha Caafimaadka inay tagaan Goobaraha Barakacayaasha ay ku sugan yihiin .

“ma ahan inaad xafiisyadiina aad iska fadhisaan waxaa jira boqolaal barakacayaal ah oo u baahan daryeel caafimaad iyo quudin,barakacayaasha ku sugan Muqdisho aad ayay u farabaadan yihiin,markaShaqaalaha caafimaad ha tagaan goobaha caadimaad eedaryeelka looga baahan yahay.

Hadalkan ayaa  Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti  waxa ay ka sheegtay tababar Maanta loo furay Shaqaalaha Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir.

Hoos  Ka Dhageyso Codka Basmo Caamir Shakeeti