Habraaca doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo la shaaciyay

Guddiga doorashadda baarlamanka maamulka Puntland  oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa shaaciyey xiliga la qabanaayo doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland.

Guddiga waxa ay sheegeen in doorashadda ay dhici doono maalinta Khamiista ah ee socota oo taariikhda ay ku beegan tahay 14-ka Bishaan.

Waxaa ay sidoo kale shaaciyeen Habraaca looga baahan yahay in ay maraan Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland.