Guri ku dumay Gendershe oo sababay khasaare Dhimasho iyo Dhaawac

Gendershe-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya Hal ruux inuu ku geeriyooday, Shan kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii uu ku soo dumay guri dadkaasi ay ka deganaayeen deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ruuxa geeriyooday ayaa waxa ay aheyd Hooyada guriga, waxaana dhaawacmay Shan ruux oo kale oo u badan caruur.

Roobab xoogan oo ka da’ay saacadihii la soo dhaafay Deegaanka Gendershe ayaa sababay inuu dumo gurigaan oo markiisi horeba ahaa dhismo qadiimi ah.

Caruurta dhaawacantay ayaa loo soo qaaday dhaawacooda Magaalada Muqdisho isbitaalada ku yaal si daryeel caafimaad loogu fidiyo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay roob xalay biloowday ilaa saaka inuu ka da’aayay deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeelaha Hoose, taasina ay keentay in guriga uu dumo.

Inta badan guryaha dhismahooda Qadiimiga ay yihiin ayaa xilliga uu da’o roobka waxaa saameyn ku yeesha roobkaasi.