Gudoonka golaha Shacabka oo kullan ku leh Muqdisho

Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay heleysa ayaa tibaaxaya in gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ay ku kullansan yihiin Hotel ku yaalla meel ku dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Kullankaan oo aan hori loo sii shaacin ayaa wararka waxa ay sheegayaan in looga arrinsanayo khilaafka u dhaxeeya gudoonka golaha oo kala aragti duwan, iskuna khilaafay kala diristii guddiga maaliyada iyo mooshinka laga keenay madaxweyne Farmaajo oo uu gudoomiyaha golaha qabtay.

Kullankaan ayaa waxa uu noqonayaa midkii ugu horeeyay oo ay yeeshaan gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya tan iyo markii uu Gudoomiye Mursal shaaciyay in guddiga Maaliyada ay howshooda wataan.

Halkaan kala soco wixii kasoo baxa kullankaasi.