Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi lagu dilay Gudoomiye Waxeed ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Suuq bacaad, waxaana la sheegay in rag hubeysan ay toogteen ninkaasi.
Waxaa sidoo kale goobtii lagu dilay Gudoomiye Waaxeedka lagu toogtay Wiil dhalinyaro ah oo dadka qaarkood ay sheegeen in uu la socday raggii dilka geystay.
Ciidamada Ammaanka ayaa soo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana halkaasi ay ka bilaabeen howlgallo.
Ammaanka degmada Yaaqshiid ayaa maalmihii lasoo dhaafay Faraha ka baxay, waxaana lagu dilay dhowr qof.



