Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka hadlay Hanaan cusub oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qaadi doonto Canshuuraha dalka.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso in ay caddeyso halka ay ku baxaan Canshuuraha laga qaado Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir Beyle ayaa sidoo kale tilmaamay in uu socdo qorshe qof walba uu ku tagaayo Bankiga dhexe,islamarkaana uu ku bixinaayo Canshuurta lagu leeyahay ,iyadoo aysan cidna ka qaadin.
Dadka Soomaaliyeed ayuu xusay in badankooda ay walaac ka qabaan lacagaha Canshuurta ee laga qaado.


