Gudoomiye Aadan Madoobe oo Fariin u diray Ciidamada Qalabka sida

 Kusimaha Madaxweynaha  ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ka qeyb galay xarig jarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay furitaanka xaruntan, isaga oo u mahadceliyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo qof walba oo ka qeyb qaatay dhismaha xaruntan.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qalabeynta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo xarumahooda ay guul iyo sharaf u tahay Dowladnimadda Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyay howlgalada dalka ka socda ee lagula dagaalamayo Alshabaab oo ay sameynayaan  qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka wadaan gobolada dalka iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray.
Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha a ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in goordhow kooxaha khawaariijta laga ciribtiri doono guud ahaan dalka.