Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhasay Gaari oo ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.
Shilkan ayaa yimid ka dib markii baabuur xamuul ah oo waday Konteenar uu ku rogmaday gaari caasi ah oo ay la socdeen dad shacab ah.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Madaale ayaa sheegay in shilka ay ku geeriyoodeen labo ruux halka labo kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo dhamaantood saarnaa gaariga caasiga ah
Sidoo Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay si looga hortago shilalka ka dhasha Gaaiid Xamuulka si loo yareeyo ayaa amar ku soo rogay Baabuurta waaweyn ee xamuulka kama shaqeeysa dekedda Muqdisho, isagoo xusay in wixii hadda dambeeya aan loo ogolaan doonin in ay maalintii dhexmaraan Wadooyinka magaalada Muqdisho.



