Guddoonkii hore ee baarlamaanka Jubbaland oo dhammaan dib loo doortay

Waxaa goor dhow Magaalada Kismaayo  kusoo dhamaatay doorashadda Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland waxaana la doortay dhammaan xubnaha Hoggaamin doona Baarlamaanka Jubbaland.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali waxaana ku guuleystay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo horay u ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa isku soo sharaxay hal qof oo ah Xildhibaan Aadan Khaliif, waxaana loogu codeeyay gacan taag 72 cod ayuu helay.

 Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Baaleey Xuseen wuxuuna helay 73 cod, waa loo tanaasulay, oo cidna lama tartamin.

Guddoonka cusub ee baarlamaanka Jubbaland ayaa dhammaan ah kuwii hoggaaminaayay baarlamaankii Koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland.