DEG DEG: Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland oo la doortay

Doorashadda Gudoonka baarlaamanka Jubbaland ee ka socoto Magaalada Kismaayo ayaa lagu doortay Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali waxaana ku guuleystay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo horay u ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa helay 55 Cod halka Xuseen Shiinow Cali  uu helay 18 Cod.

Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa lagu tilmaamaa Saaxiibadda dhow ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana uu hoggaaminaayay baarlamaankii Koowaad ee Jubbaland.

Waxaa hadda dhiman doorashadda Gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka Jubbaland.