Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax maanta ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,kaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay Gaari uu saarnaa Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur ,waxaana la xaqiijiyey inay qaraxaasi ku geeriyoodeen Guddoomiyihii Gobolka Mudug iyo Saddex Askari oo la socotay xilli ay kasoo baxayeen Xarunta Maamulka Gobolka.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in mar qura ay maqleen jugta qaraxa oo aad u cusleyd,sidoo kale ay maqleen rasaas xoogan,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa loo adeegsaday mooto bajaaj.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa la geeyay halka uu qaraxa ka dhacay,waxaana socda gurmad loo sameynayo dad la sheegay inay ku sugnaayeen halka qaraxa uu ka dhacay oo dhaawac uu soo gaaray.
Laamaha Ammaanka Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa Gobolka Mudug ayaa la Filayaa inay ka hadlaan nooca qaraxaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay,waxaana hataan dadka loo diidayaa inay ka agdhawaadaan halka uu qaraxa ka dhacay.
29-kii Bishii Maarso ee sanadkaan 2020 ayay aheyd markii qarax ismiidaamin ahaa lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir),xilli uu ku sugnaa Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal.



