Qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax xoogan uu ka dhacay waqooyiga Magaaladaasi,kaas oo jugtiisa inta badan laga maqlay Guud ahaan xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in uu ka dhacay aaga Xarunta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaasi lagu weeraray  Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland xilli uu ku sugnaa Xarunta Gobolka oo u dhow Madaxtooyada.,isla markaana uu geeriyooday.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,waxaana socda gurmad kala duwan oo loo fidinayo dadka ku waxyeelobay qaraxaasi.

Wararka kusoo kordha kala socda www.Radiorisaala.com