Guddoomiye loo Magacabay deegaan ay dhawaan Ciidamada Dowladda la wareegeen

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Adam Cali Najax ayaa guddoomiye Cusub u Magacaabay deegaanka Bariire ee Gobolkaasi Shabeellaha hoose,halkaas oo dhawaan ay Al-Shabaab kala wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska guddooiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Guddoomiyaha deegaanada Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle loogu Magacaabay Cumar Cabdi Xasan oo loo yaqaano ( Bizaaro).

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Adam Cali Najax ayaa guddoomiyaha Cusub ee deegaanka Bariire u rajeeyay in xilkaas alle u fududeeyo,isaga oo kula dardaarmay in Shaqadiisa uu si wanaagsan u guto.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista guddoomiyaha Cusub ee deegaanka Bariire.