Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu kaga qeybgalay shirweynaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Carabta oo ka dhacay magaalada Algiers, caasimadda dalka Algeria.
Shirweynahan oo heer sare ah ayaa diiradda lagu saarayay xoojinta iskaashiga Baarlamaanada waddamada Carabta, kobcinta wada-shaqeynta sharci-dejinta, iyo dardar gelinta dadaallada lagu wajahayo caqabadaha gobolka sida amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha Falastiin.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa kaalin firfircoon ka qaatay doodaha iyo kulamada shirweynaha, iyagoo kor u qaaday doorka iyo aragtida Soomaaliya ee ku aaddan arrimaha Carabta, gaar ahaan muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo midnimada iyo mowqifka siyaasadeed ee waddamada xubnaha ka ah Ururka Baarlamaanada Carabta.
Markii uu soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Guddoomiyaha ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay. Waxaa halkaas ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, iyo dadweyne soo dhoweyn u sameeyay wafdiga.
Soo laabashada Guddoomiyaha ayaa imaneysa xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo muhiim ah, iyadoo xildhibaanada mucaaradka iyo isaga khilaaf xooggan uu u dhexeeyo.



