Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Axmed Madoobe oo kulmay

Madaxweynaha Dowlad Giboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam  oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Caawa kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulankan oo ka dhacay hoyga Gudoomiyaha ayaa lagaga hadlay Xaalada dalka, iyo Arimahaa xiriira Doorashooyinka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa horay ula kulmay qaar kamid  Madaxda Dowlad Goboleedyada, isaga oo kala hadlay arrimo ku saabsan doorashooyinka iyo xaalada siyaasadeed ee dalka.