Guddiga xalinta Khilaafaadka oo gudoomiye doortay

xubnaha  Guddiga xalinta Khilaafaadka ee Heer Federal ayaa maanta oo Talaada  kulan koodii ugu horeeyay oo ka dhacay taandhada Afisiyoone ku doortay gudoomiye cusub .

Kulanka waxa Soo xaadiray 21 xubnood.

Xilka  jagada Gudoomiyaha  Guddiga xalinta Khilaafaadka waxa isku soo sharaxay

  1. Cabdilahi Abyan Nuur iyo
  2. Cali axamuud Farah( Cali Zeko)

Natiijada Doorashada gudoomiyaha:

– Abdulahi Abyan Nuur waxa uu helay 14 cod, halka Cali Maxamuud Faarah ( Cali Zeko) uu helay 7 cod.

Mudane  Cabdilahi Abyan Nuur ayaa noqon doona gudoomiyaha cusub ee Guddiga xalinta Khilaafaadka ee Heer Federal.