Guddiga Doorashooyinka dalka ayaa bilaabay Shihaado siinta Xildhibaanada cusub ee kusoo baxay doorashadii ka dhacday dalka .
Warqad ka soo baxday Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa loogu yeeray Xildhibaanada cusub inay yimaadaan Xarunta Villa Hargeysa, si ay halkaasi ugu qaataan Shahaadooyinka Aqoonsiyada ah ee Xildhibaanimadooda muujinaya.



