Graeme Souness ayaa uga digay kooxda Chelsea halis ay wajihi karaan haddi ay lumiyaan weeraryahankooda Diego Costa, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay lumin doonaan ku guleysiga horyaalka Premier League.
Mustaqbalka weeraryahanka ayaa waxaa soo galay shaki badan ka dib markii uu hoos u dhacay xiriirka ka dhaxeeya isago iyo macalin Conte, waxaana laga saaray weeraryahanka kulanka axada ee Leicester.
Waxaa la fahamsan yahay in dalabyo qaali ah uu ka heysto durba kooxaha ka dhisan Horyaalka Chinese Super League, kuwaasoo macquul ay tahay in ay ka faa’iideystaan dareenka kacsan ee Costa iyo Chelsea.
Costa ayaa qaab ciyaareed fiican kujira xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 14 gool waxaana uu ka caawiyay Chelsea in ay hogaanka Horyaalka shan dhibcood oo nadiif ku hayaan.
Laakiin khabiirka kubada cagta Sky Sports Souness ayaa aaminsan in horyaalka ay lumin doonto kooxda Blues islamarkaana ay kala dhantaalmi karto hadii ay lumiyaan weeraryahankooda reer Spain.
“Tani waa baahida loo qabo in Chelsea ay ogaato, Waxa uu u ciyaaraa kubada si kalsooni leh. Waxay kooxda sameysay guulo xiriir ah marka uu u ciyaarayay “ayuu u sheegay Sky Sports News.
“Haddii ugu yaraan uu sii joogo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan. Waxaa uu leeyahay awood uu kaga saacido kooxdiisa Horyaalka Premier League.
Costa ayaa Chelsea kasoo tagay Atletico Madrid isagoo ugu biiray £ 32m sannadkii 2014, waxaana uu dhaliyay 50 gool tartamada oo dhan.
Qandaraaskiisa waxa uu dhacaya xagaaga 2019, laakiin qilaafka soo kala dhaxgalay isaga iyo kooxdiisa ayaan lahubin waxa uu ku dambeyn karo.


