Goorma Ayey Man United Hanan Kartaa Horyaalka Premier League

Man United waxaa laga yaabaa iney sida Liverpool sugto muddo 30-sano ah hanashada horyaalka Premier League, waxaa sidaas qaba halyeeygii hore BluesJason Cundy – kaas oo sidoo kale ka argagaxay xaaladda ay wakhtigaan ku sugan tahay kooxda 20-ka jeer heysta horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa ilaa iyo hadda raadineysa horyaalka hanashada horyaalka Premier League, waxeyna aheyd markii ugu dambeysay ee ay hanato horyaalka fasal ciyaareedkii 1989-1990, Cundy ayaana hadda filaya in Red Devils ay sugi doonto muddo dheer hanashada horyaalka.

Manchester United ayaa ku jirta kaalinta 10-aad ee horyaalka Premier League, kaliya 9-dhibcood ayeyna hesehay kadib 7-kulan oo ay ciyaareen, kaliya laba ciyaarood ayeyna guul heleen.

Jason Cundy ayaa saxaafadda la hadlay kadib kulankii ay Red Devilsbarbaro gool la’aan ah la gashay AZ Alkamar kulanka tirsan UEFA Europa League.

“Xaqiiqdii aad ayaan uga argagaxay halka ay Man United joogto, waana qasab iney jamaahiirta United la yaabaan, tani waa wax ka xun wixii ku dhacay Liverpool” ayuu yiri Jason oo la hadlayay talkSPORT.

“Red Devils waxaa laga yaabaa iney 30-sano ka fogtahay ku guuleysiga horyaalkeeda xiga”

“Marka aad dib ugu laabato 30-sano ka hor, qof ayaa ka hadlayay idaacadda isagoo sheegayay in Liverpool aysan 30-sano ku guuleysaneynin horyaalka, qof kasoo horjeeda ayaana lahaa ha noqon doqon, Liverpool wey hanan doontaa horyaalka 30-ka sano ee soo aadan”