Zinedine Zidane ayaa ku ammaanay Cristiano Ronaldo labadii goo lee uu ka dhaliyay xalay kooxda Juventus.
“Ma ahan wax sahlan inaan seddex gool ka dhalino Juventus intii aan kujirnay garoonka, laakiin sidoo kale aad ayay u fiicnaayeen kooxda naga soo horjeeday.
Cadaadiska na saaran ayaa naga dhigay kuwo xoogan, waxaan fursad u heysanay inaan goolal badan dhalino”ayuu hadalkiisa ku daray Zidane.
“Dabcan Juventus kuma faraxsana natiijada kulankii xalay, laakiin marwalba waxaan ka filan karnaa Qatar badan kulanka lugta labaad ayuu yiri Zidane.
“Cristiano Ronaldo waa uu ka duwan yahay ciyaartooyda kale, waa ciyaaryahan ka duwan dhamaan xiddigaha kale, mar walba wuxuu heystaa rikoor fiican oo Champions League ah, marnaba kuma riyoodaan ciyaartooyda la tartamaya heerkiisa oo kale.
Markii la weydiiyay haddii goolkii Ronaldo ka fiican yahay midkii uu ka dhaliyay Champions League-ga 2002, Zidane ayaa ku jawaabay in goolka Ronaldo uu ahaa mid cajiib ah, halka kiisana uu ku tilmaamay gool xusuus lahaa.
Zinedine Zidane uu ku kaftamay waa mid ka mid ah goolashii ugu fiicnaa abid, laakiin kama fiicneyn kii Bayer Leverkusen.
Cristiano waxa uu dhaliyay mid kamid ah goolkii ugu fiicnaa taariikhda, laakiin goolkii Glasgow wuxuu ahaa mid wanaagsan, “ayuu u sheegay saxaafada Zidane.



