Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo kulan deg deg ah ku leh Jowhar

Golaha Wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa hadda Magaalada Jowhar ku leh Shir deg deg ah oo looga hadlaayo xaaladda cakiran ee maamulka Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa shir Gudoominaya Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlayaa sidii Wasiirada ay shaqadooda u sii wadan lahaayeen, isla markaana aysan saameyn ugu yeelan laheyn Xilka ka qaadistii Cosoble.

Waxii kasoo baxa kala soco Risaala.net