Golaha Iskaashiga oo warqad jawaab ah u diray Aqalka Sare

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa bogaadiyay oo soo dhaweeyay isku dayga aqalka sare ay ku xalinayaan khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kadib qoraal ay soo saareen.

Warqada ka soo baxday golaha ayaa waxaa lagu sheegay inay soo gaartay warqad aqalka sare ay golaha iskaashiga kaga dalbanayeen inay soo magacaabaan xubno wasiiro ah oo wada hadal la yeesha xubnaha golaha wasiirada ee dhawaan uu soo magacaabay R.W Khayre.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay inuu kalsooni buuxa ku qabo doorka dhex dhexaadinta Aqalka Sare, isla markaana ay u arkaan inay tahay wado lagu gaari karo xal u helida khilaafka.