Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lagu soo warramayaa in ay bisha January xoogga saari doonto sidii ay AC Milan kaga soo qaadan lahayd xidigeed garabka ka ciyaara ee Suso.
Weeraryahankan heerka caalami ee reer Spain oo kamid ah xidigaha laf dhabarta u ah Milan ayaa bilihii u danbeeyay xiisa ka helayay kooxaha, PSG, Real Madrid iyo Juventus.
Sida lagu daabacay shabakadda Tutto Mercato Chelsea ayaa kusoo biirtay kooxaha xiisaynaya saxiixa Suso, iyaga oo doonaya adeeggiisa marla lagaaro bisha January.
Blues ayaa ka cabsi qabta in ay lumiso xidigeeda weerarka ka ciyaara ee Eden Hazard kaas oo laga yaabo in uu Stamford Bridge ka dhaqaaqo marka uu dhammaado xagaagan.
Kooxda reer London ayaana doonaysa in ay hesho xidig tayo leh oo u baddali Hazard, waa haddii uu ka dhaqaaqo e, kabtanka Belgium ayaana xiisa ka helaya kooxda Real Madrid.



