Guddiga-wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee BFS ayaa maanta kulankoodii soo gabagabeeyey, waxayna warbixintooda ku saabsan Afarta Xeer ee loo xilsaaray u gudbin doonnaan Guddoonka Labada Aqal.
Xubnaha Guddiga Xeerka ay soo diyaariyeen ayaa waxaa kujira metelaada Aqalka sare uu ku yeelan doono Aqalka Sare,kaas oo markii ugu horeeysay laga siiyay 7 Xubnood.
7 Xubnood ee Gobolka Banaadir laga siiyay Aqalka Sare ayaa waxaa lagu dooran doonaa habka 4.5 ee Beelaha, iyada oo Aqalka Sare lagu kordhinayao Xubno ka dheeri ah inta uu hadda yahay.
7 Kursi ee Aqalka Sare laga siiyay gobolka Banaadir markii ugu horeysay ayaa waxaa go’aan ka garai doona hoggaanka sare ee dalka sidii kale meel marintooda loo baahnaan doona wax ka bedel Dastuurka oo laga rabo Baarlamaanka Labada Aqal.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ay ku jirtaa diyaar garow ku aadan Baarlamaanka iyo tan Madaxtooyada, iyada oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu dhawaan sheegay in doorashada waqtigeeda ku dhici doonto.



