Ciyaartoygii ugu horreeyey oo u geeriyooday COVID-19

Ciyaartoygii ugu horreeyey kubadda cagta ayaa u geeriyooday caabuqa Korona, kaas oo muddo uu xanuun ba’an ku jiray kaddib lasoo sheegay in uu u dambayntii dhintay isaga oo ay da’diisu ahayd 25 jir.

Deibert Frans Roman Guzman ayaa taariikhda kubadda cagta ka noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee caabuqu uu sababta u noqdo dhimashadiisa, waxaana ehelka uu ka baxay tacsi gaadhsiinaya bahda ciyaaraha oo dhan.

Deibert Frans Roman Guzman oo u dhashay waddanka Bolivia, kana tirsanaa kooxda University of Trinidad ayaa dhawr toddobaad ku jiray cusbitaal uu ugu dambayntii ku geeriyooday, laakiin laacibkan ayaa sidoo kale uu qoyskiisa burbur weyn u geystay caabuqu.

Warkan naxdinta leh ayaa yimid xilli Aabaha dhalay Guzman oo lagu magacaabi jiray Belizario Roman oo madaxweyne ka ahaa kooxda uu ciyaartoygani ka tirsanaa ee University of Trinidad uu u dhintay caabuqa bilo ka hor, taas oo kooxdan iyo qoyskaba ku keentay murugo iyo argagax weyn.