
Shir jaraa,id oo uu ku qabtay Isniintii xarunta wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ee ku taala gobolka Virginia, loona yaqaano Pentagon, ayuu jeneral Mattis ku sheegay in hadii Kuuriyada Waqooyi ay duqeyso Mareykanka ay ciyaartu bilaaban doonto waa sida uu hadalka u dhigay, isla markaana uu ka dhalan doono cawaaqib.
Hadalkaan ayaa ka danbeeyey kadib marki wakaalada wararka Kuuriyada Waqooyi ee KCNA, ay ku warrantay in hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un loo gudbiyey warbixin ka hadleysa qorshe uu milatariga dalkaasi ku doonayo inuu ku weeraro jaziiradda Guam ee uu Mareykanku leeyahay.


