Gen. Gorod oo gaaray Gaalkacyo (SAWIRRO)

Gaalkacyo-RisaalaFM- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa galabta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General C/weli Jaamac Xuseen (Gorod).

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Maamulka Gobolka, kan degmada, qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Haweenka iyo dhalinyarada.

Guddoomiyaha Maxkamda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yaroow ayaa qeyb ka ah wafdiga Taliye (Gorod).

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka ayaa Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho u sheegay ujeedka wafdiga inuu yahay dhameystirka heshiiskii ay Gaalkacyo ku wada gaareen Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale xubnahan ujeedka ay u tageen Magaalada Gaalkacyo wuxuu yahay sidii ay horudhac ugu noqon lahaayeen wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo socdaal ku maraya qeybo ka mid ah Gobolada dalka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod oo 15-kii December 2017 booqasho ku tagay Gaalkacyo ayaa qiimeyn ku soo sameeyay xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee halkaasi ku sugan iyo waliba sahminta suurta galnimada qorshaha isku dhafka Ciidamada Xoogga dalka.