Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay laba kamid ah rag lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen fal dambiyeed naxdin leh oo lagu dilay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, dilkaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Qayib iyo Xiindheere ee gobolka Galgaduud, taariikhdu markii ay ahayd 9-da October 2025.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hogaaminaysay howlgalka, ciidamada ayaa muddo ku raadjoogay eedeysanayaasha, waxaana wali socota baadigoobka nin kale oo la aaminsan yahay inuu qeyb ka ahaa maleeshiyadii dilka geystay.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Galmudug ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen soo qabashada dhammaan eedeysanayaasha lagu tuhunsanaa falka foosha xun, kuwaas oo hadda lagu wado in la horgeeyo maxkamadaha awoodda u leh si ay cadaaladda u wajahaan.
Taliska Booliska ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Galmudug kaalinta ay ku lahaayeen soo qabashada eedeysanayaasha, isagoo ugu baaqay inay sii xoojiyaan la shaqeynta ciidamada si loo adkeeyo nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada



